Hornmed Health Tour

  • Home
  • About Us
  • Our Services
  • FAQ
  • Hospitals
  • Specialities
  • Blog
  • Contact
  • soSomali
    • enEnglish

Takhasusyada

Qalitaanka Wadnaha: Waa qalitaan xaga wadnaha ay sameeyaan takhaatiirta takhasuskoodu yahay xaga wadnaha. Qalitaankan waxaa badanaa loo adeegsadaa in laga daaweeyo wadanaha dhibaatooyin ku yimaada halboowlayaasha dhiiga qaada. Qalitaankan waxaa kaloo adeegsadaa in la saxo dhibaatooyin qofku ku dhasho ee xaga wadnaha ah sida curdurada wadnaha ee loo yaqaano “rhumatic heart disease”. sidoo kale waxaa qaliaatnka waxaa loo isticamaala marka qofka loo sameynayo wadno talaal ama waxan afka qalaad loo yaqaano “heart transplantation”

Daaweynta Cudurka Kansarka waa daweyn qaas o ah daaweynta cudduro kala duwan ee uu keeno koritaanka unuga aadanaha(human cell) oo si aan caadi aheyn u kora. Ujeedada daaweynta cudurka kansarka waa joojinta ama la dagaalanka in kansarku aanu ku fido jirka intiisa kale taaso la xaqiijiyo marka qof laga qaado dhiig joogto mar walba uu daawada lagu durayo. Waxaa jira noocyo badan ee daaweynta kasnarka iyadoo la isticmaalayo daawooyinka keemo terabi (Chemotherapy), nooyadaas waxaa ka mid ah:

  • General Chemotherapy: Isticamaalka daawo lid ku ah kansarka taasoo dileysa ama baabi’ineysa unugyada kansarka. sidoo kale waxey hoos u dhigeysaa kobcitaanka unugyadaas kansarka
  • Radiotherapy: Daaweynta cudurka kansarka ayadoo la isticmaalayo awooda korontada sida raajooyinka-x loo yaqaan “X-rays” amd raajada-gamma oo loo qaano ah ee loo yaqaano “gamma rays”. Raajooyinkaas waxay isticmaalaan awooda elektronka si ay u disho amd u baabi’iso unugyada kansark sii aaney u kobcin ama usii labo laabmin
  • Surgery: Waa qalitaan uu sameynayo dhakhtar qaliin si uu u gooyo ama u badbaadiyo qaybaha jirka ee kansarku saameyey.
  • Hormone Therapy: Waa daaweynta kansarka ayadoo la joojinayo awooda dabiiciga ah ee hormonka jirka baniiadamku uu dhaliyo taasoo mar mar saacideysa in unugyada kansarku kobcaan. Dawadan waxaa si khaas loo isticmaalaa marka la ogaado in hormmonka jirka baniaadamka uu saacidayo koritaanka ama fidista cuduurka kansarka. Waxaa sidoo kaloo loo yaqaanaa “Endocrine Therapy”
  • Immune therapy waa daaweyn ama ka hortag loo isticamaalo kasnarka iyadoo la isticmaalayo dawooyin bedela ka jawaabista nidaamka difaaca ee jirka bani aadamka.
  • Targeted therapy: Waa daaweynta kansarka iyadoo loo isticmaalayo in looga hor tago qeybo qaas ah jirka baniaadamka ka mid ah kuwaasoo loo maleynayo iney ku dhex jiraan unugyo kobciya in cudurka kansarku faafo. Daaweyntan waa mid lagu sameynayo qeybo jirka baniaaadamka ka mid ah sidaas darteed ayaa loo magaacbay “Targetted Therapy”

 

Fertility Treatments: Waa teknoolojiyo loo istcmaalo qeybaha tarmada  baniaadamka nin iyo naagba taaso suurto galineysa in la daaweeyo biyaha ragga iyo ukunta  dumarka kuwaasoo lagu bacrimiyo shaybaar caafimaad mudo 2 ilaa 6 beri ah ka dibna dib loogu celiyo falgalkaas ilma galeenka qofka dumarka ah taasoo keenta in ubad ku beermo ilma galeenka haweeneyda. Teknoolijiyadan waxaa loo yaqaan IVF (In vitro fertilization).

 

Contact Us

Hornmed Sdn Bhd:

Address:
Jalan Jernai , Medan Idaman, 53100,
Kuala Lumpur, Malaysia

Telephone: +601139944180

Website: www.hornmedht.com

Email: info@hornmedht.com

Facebook: facebook.com/hornmed.sdnbhd

Quick Menu

  • Home
  • About Us
  • Blog
  • Contact

Copyright © 2023 · Executive Pro Theme on Genesis Framework · WordPress · Log in