Hornmed Health Tour

  • Home
  • About Us
  • Our Services
  • FAQ
  • Hospitals
  • Specialities
  • Blog
  • Contact
  • soSomali
    • enEnglish

Su’aalo

Sidee ayey u shaqeysaa Hornmed booqashada caafimaad baarista ?

Hornmed waa Hay’ad la shaqeysa isbitaallo waa weyn oo leh takhaatiir faro badan oo ku takhasusay noocyo kala duwan ee caafimaadka banaiaadamka. Waxaad dooran kartaa nooc kasta ee dawaada aad u baahan tahay ka dib isbitaalada waxay diyaarkaaga dhigayaan sidii aya wax kuugu qaban lahaayeen  daaweynta cudurka ku haya. Isbitaaladaasi waxay leeyihiin oo ay isticmaalan qalab caalami ah uguna casriyeysan ee lagu daaweeyo cudurro kala duwan ee bani aadamka.

Hornmed waxay kaaga baahan tahaty inaad usoo gudbisid warbixinta guud ee cafimaadkaage, warbixintaasoo uu soo sixiisay dhaktarka wadanka aad kasoo  safreysid. Ka dib waxaan u gudbineynaa warbixintaas dhakhaatiir kala duwan oo ku haboon daaweynta cudurka ku haya, marka takhaatiirtu ay noo balan qaadaan daaweynta cudurkaaga waxaanu kuu diyaarineynaa fiisaha,tigidhada safarka, kasoo qaadista airportka iyo hotelkii ama Hoygii aad kusoo dagi laheyd. Wxaaa kaloo
intaas sii raacsan hadii aad dooneysid oo waqtigu saamaxo inaan ku diyaarino dalxiis gaaban markii dawadu kuu dhamaato.

Waqti badan miyaa la sugayaa booqashadan caafimaad ?

Ma jiro waqti fara badan oo la sugayo !! markaad noo soo gudbisid warbixinta caafimaadkaaga waxaan wada tashi la sameyneynaa takhaatiirta isbitaalada aynu macaamiisha fara badan la leenahay, ka dib markay noo xaqiijiyaan inay cudurka bukaanka wax ka qaban karaan adiguna aad maqsuud ku noqotid waxaan ku diyaarineynaa fiisihi iyo waqtigi imaanshaha.

Xaagee Isbitaaladu ku yaalaan?

Hornmed waxay macaamiil fara badan la leedeahay isbitaalo fara badan oo ku yaala wadanka Malaysia, bukaan kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu doorto dhakhtar kasta ama isbitaal kasta. Isbitaal kastana wuxuu takhasus ku yahay cudurro kala duwan, marka iyadoo la fiirinayo xaalada cudurka qofka bukaanka ah uu u baahan yahay wuxuu xaq u leeyahay inuu doorto isbital kasta uu qofka bukaanka rabo. Haddii aadan hubin isbitalka kugu haboon, ha welwelin inagaa ayaa ku caawineyna bilw ilaa dhamaad intii aan ka helno wax bukaanku ku qanacsan yahay.

Dhakhaatiirtee ayaa i qaabili doona?

Dhakhaatiirta faraha badan ee Hornmed ay macaamiisha la leedahay waa dhakhaatiir xirfadhoodu aad u sareeyaan, taqasusyo fara badan ee caafimaad leh. Takhaatiirtaasi waxay wax kusoo barteen wadamada Australia, Canada, UK iyo USA. waxay kaloo kasoo shaqeeyeen isbitaalada ugu heer sareeya ee aduunka. Hornmed waxay kuu fududeyneysaa iney ku xirto bukaanka tahkhtarku uu rabo, takhtarkaasoo ku haboon daweynta cuduka bukaanka haya. Takhaatiirtaasi waxay diyaa u yihiin iney bukaanka uga jawaabaan suaal kasta oo ay qabaan intaysan imaan Malaysia. Suaalahaa ay ku saabsan yihiin xaalda bukaanka daaweynta ka hor ama ka dib.

Xageen kusoo degeynaa ?

Bukaanka iyo dadka la socodba waxay xaq u leeyihinn inay doortaan degaano kal duwan oo ay Hornmed heyso sido
hoteel iyo guriba leh. Waxa kaliya uu bukaanka iyo dadka la socdeoba looga baahan yahay inay noo sheegaan sid ay rabaan ka dib
anaga ayaa masuul ka ah inaan hoyga ama hoteelka ay jacel yihiin u diyaarino. Waxaan xiriir la leehnahay hoteelo kala duwan, sidoo kale waxaan heynaa guryo kala duwan oo leh meel cuntada lagu karsan karo.Hornmed ayaa balan qaadeysa inay u raddiso bukaanka iyo dadka la socda meel ay degaan ka dhigtaan.

Yaa na soo dhaweynaya oo naga soo qaadaya Airportka?

Hornmed waxay u diyaarinaysaa bukaanka iyo dadka la socda inay kasoo qaadi doonto Airportka marka ay yimaadaan Malaysia iyo marka ay dawadooda u dhamaato oo ay doonayaaan iney ku laabtaan dhulkooda hooyo. Waxaa muhiim ah in bukaanka iyo qofka la socdaa ay nasoo ogeysiiyaan maalinta ay imanayaan oo duulimaadkooda ku aadan yahay si aan uga soo qaadno airportka.

Maxay noqoneysaa qiimaha daawadeyda?

In kastoo ay jiraan qiimaha daaweynta bukaan qaar laakiin qiimaha sax ah ee ku baxaya bukaanka waxy ku xiran waxyaalaha
ay dhaqaatiirtu doonayaan iney kaa hubiyaan bukaan kasta, bukaan kasta cudurkiisa iyo daawooyinkiisa way ka duwan tahay
bukaank kale. Qiimaha sax waxaa la ogaanaya marka warbixintaada takhaatiirtu arkaan oo kulanka ugu horeeya aad la yeelato
takhaatiirta isbitaalada Malaysia ka dib markaad timaado Malaysia.

Sideen U bixinayaa kharashka daaweynteyda?

Waxaad si toos ah ugu bixineysaa isbitaalka qeybta xisaabaadka. Hornmed ma jirto wax ay ka dooneyso in bukaanku bixiyo.
Markaad dhamaysato qaybaha kala duwan ee daaweynta waxaad si toos ugu bixineysaa biilasha lagugu soo dalacay Isbitaalka daawadau kaaga socoto.

Ma ka raadsan karaa isbitaal kale talo ka duwan isbitaalka la igu daaweynayo hada?

Haa. Haddii aad ka heli weydo ama aad ku qanci weydo daaweynta isbitaalka lagu geeyey markii hore ee aad dooneyso inaad
talo iyo daawo ka duwan ka raadsato isbitaal kale waa laguu ogol yahay oo xaq baad u leedahay inaad raadiso fikrad iyo dawo
ka duwan isbitalka hore. Hornmed ahaan waxaa muhiim noo ah inaan qaadno talaabo kasta oo caafimaadkaaga ku fiicnaanayo, waana kugu saacideynaa 100%.

Contact Us

Hornmed Sdn Bhd:

Address:
Jalan Jernai , Medan Idaman, 53100,
Kuala Lumpur, Malaysia

Telephone: +601139944180

Website: www.hornmedht.com

Email: info@hornmedht.com

Facebook: facebook.com/hornmed.sdnbhd

Quick Menu

  • Home
  • About Us
  • Blog
  • Contact

Copyright © 2023 · Executive Pro Theme on Genesis Framework · WordPress · Log in