Isbitaalada Maleysia
Isbitaalada Maleysia waxay ka mid yihiin isbitaalada caafimaadka kuwa ugu fiican aduunka. Isbitaaladaas waxay ka diiwaan gashan yihiin hay’adaha ugu sareeya ee caafimaadka aduunka laga ictiraafsan yahay, hay’adaas waxaa ka mid ah “Joint Commission International” oo marka lasoo gabiyo loo yaqaaan JCI,Malaysian Society for Quality in Health(MSQH, The Australian Council on Healthcare Standards(ACSH). Sidoo kale isbitaaladaas waxay xubin ka yhiin koo a diiwaan gashan yihiin hay’adaha caafimaadka ug sareeya ee wadamad Canada iyo UK. Isbitaalada maleysia kuwa ugu fiican waxaa ka mid ah kuwan soo socda ee hoos ku qoran:
KPJ Tawakkal Specialist Hospital
KPJ Tawakkal Specialist Hospital waa isbitaal ku yaala bartamaha magaalda Kuala lampur ee ah caasimada wadanka Maleysia. Wadanka Maleysia wuxuu caan ku yahay isbitaalada gaarka ah ee cafimaadka ee ka mid yahay isbitalka KPJ Tawakkal Hospital. Waa isbitaal caalami ah oo leh tayo aad loo aqoonsan yahay leh. Isbitaalkani waa isbital takhasusyo fara badan oo caafimaadka leh, wuxuuna hoos yimaadaa oo uu ka mid yahay hay’ada loo yaqaano KPJ Health group, hay’adan waxay maamushaa oo hoos yimaada 19 isbitaal. KPJ Twakkal hosbital wuxuu leeyahahy ilaa 177 sariirood ama markiiba uu qaadi karo tiro intaas le’g oo bukaan ah. Isbitaalkan waxaa ka shaqeeya ilaa 50 dhakhtar iyo 500 qof oo isugu jira kalkaalya yaal iyo shaqaale kale. Sidoo kale wuxuu leeyhaya takhaatiir ka timaada hay’ado kale oo u yimaada iney daaweeyaan bukaanka isbitalka ku jira. Isbitaalkan wuxuu lee yahay takhasusyo caafimadka ee kala duwan kuwaasoo kala ah qeybaha lafaha,maqaarka, ematoolaji, neerfaha, qaliinka caruurta iyo meelaha raajooyinka loogu sameeyo bukaanka. Isbitlkan wuxuu kaloo leeyahay qeybo gaar ah oo logu talagalay ka hortaga iyo baritaanka caafimaadka bukaanka,sidoo kale wuxuu leyahay xarunta Hemodialysis ama sifaynta kelyaha. Isbitalka KPJ wuxu loo aqoonsaday tayada ugu sareysa ee hay’adaha la siiyo ee loo yaqaano “MS ISO 9001: 2000 Certification” taasoo u suurto galisay iney ku guuleystaan abaalmarino dhinaca dalxiiska caafimaadka iyo maamulka shaqo galinta.