Hornmed waa hay’ad fahansan dhibaatooyinka ay la kulamaan bukaanka ka yimaada geska Afrika marka lagu soo sheego jirooyin aan lagu daaweyn karin dhulkooda hoooyo, laakiin nasiib wanaag waxaa ah in dadkeen aka yimaada geeska Afrika ay ka faa’iideysan karaan horumarka ay gaareen wadamada Aasiya oo ay Malaysia ka mid tahay, kuwaasoo awood u leh daaweynta cudurro kala duwan oo aan dhulkeena lagu daaweysn karin.Isbitaaladaasu waxay leeyihiin sicir macquul ah iyo inaan waqti badan aysan ku qaadaneyn bukaanku in daawada loo bilaabo.Isbitaaldaasi waxay daweeyaan cudduro fara badan oo aan dalkeene lagu daaweyn karin.
Waxaa ka mid ah dhibaatooyinka kaloo jira inay ku adagay tahay bukaanka inuu helo isbitaal ku haboon cudurka markaas qofka haya. Hornmed waxay usuurto galineysa bukaanka inay ka caawiyaan howlaha ku saabsan isbitaalda ku haboon cuduradooda, diyaarinta fiisaha iyo isku dubaridka safarka uu bukaanku ku imanayo Malaysia. Hornmed waxay suurto galinaeysaa in Bukaanka ay ka qaabto howlahaas culus,sidoo kale waxay u suurto galineysaa in Bukaanka ku niyad dhisto inuu la kulmi doono
takhaatiirta ugu fiican Malaysia
Howlaha Hornmed U qabato bukaanka
Raadinta Isbitaal ku haboon Cudurka Bukaanka
Si ay Hornmed kuugu hesho isbitaal ku haboon daaweynta cudurka bukaanka haya waxaa muhiim ah inaad noo soo dirtaan Warbixin buuxda oo ku saabsan Caaafimadka ama cudurka haya bakaanka,warbixintaasoo laga soo qaaday dhaktarka dhulka uu qofka bukaanka ka yimid sida Soomaaliya ama Kenya, Djibouti ama Itoobiya. Warbixitaas waxay Hornmed ugudbineysaa isbitaalka ugu wanaagsan ee ku haboon daaweynta cudurkaas.
Diyaarinta Ogolaanshaha Fiisaha
Marka ay Hornmed kuu hesho isbitaal ku haboon daaweynta cudurka bukaanku qabo waxaan ku caawineynaa bukaanka sidii uu wadanka Malaysia ku iman lahaa sida helitaanka kusoo galista fiisaha Malaysia. Ogolaahaha kusoo galitaanka fiisaha waa howl ay iska kaashanayaan Hornmed iyo Hay’adaha caafimaadka Malaysia iyo
Hay’ada socdaalka Malesysia.
Diyaarinta Safarka Bukaanka
Hornmed waxay kaloo ka caawineysaa bukaanka sidii uu ku iman lahaa Malaysia. Hornmed waxay iskaashi fara badan la leedahay Hay’ado dulimaad kala duwan kuwaasoo u suurto galinayo in si fudud ugu hesho bukaanka tigidh soo maraya qadka ugu jaban, uguna fiican marka bukaanku imanayo wadanka Malayisa. Hornmed waxay xiriir kala duwan la leedahay hay’ado duulimaad kala duwan, kuwaasoo ku kala sugan Soomaliya, Djibout, Kenya, Ethiopia iyo Bariga dhexe.
Ka soo dhaweynta bukaanka Airportka
Hornmed Waxay u fududeyneysaa bukaanka iyo dadka la socdaba ee aduunka dacaladiisa ka kala yimaada iney kasoo qaado airaporka marka ay Maleysia yimaadaan. Taasi waxay fududeyneysaa walaac iyo wewelka qofka uu ka qabo marka uu yimaado dhul aan dhulkiisa aheyn.Laakiin waxaa muhiim ah in bukaanka iyo dadka la socedaba ay nasoo ogeysii yaan numbarka flightkooda iyo waqtiga ay kusoo aadan yihiin si aanu ugu diyaa garawno soo dhaweyntooda.
Dajinta Bukaanka
Hornmed Waxay ka caawineysaa bukaanka iyo qofka la socdaba iney ka caawiso helitaanka hotel ama guri ay ku dagaan inta xaalada caafimaadkaaga laga hubinayo marka aad timaado Malaysia. Sidoo kale. Waxaa jira hoteelo heer sare ah u dhaw cusbitaalada hadii bukaanka iyo dadka la socdaba ay doonayaan iney hotel sii degaan inta maalmaha hore xaalda bukaanka la hubsanayo.Sidoo kale Hornmed waxay kaa caawineysaa helitaanka meelo uu bukaanka ama qofka la socdaa uu ka cuneyn karo, waxaa kaloo is xasuusin mudan in in Malaysia ay tahay wadan Muslin ah oo ay sahlan tahay helitaanka cuuno xalaal ah.Waxaa kaloo is xasuusin mudan
in inta bukaanka la baarayo cunno cunistiisa ay koontroolayaan takhaatiirta gacant ku heysa xaalada bukaanka
Dalxiis geynta Bukaanka
Hornmed waxay kaloo ku caawineysaa macaamiisheeda inay u suurto galiso inay dalxiis gaar ah siiyaan marka ay dawadooda dhameystaan, taasoo u suurtogalineysa iney soo booqdaan goobaha dalxiiska ugu qurux badan ee wadanka Malaysia. Hornmed waxay siinaysaa macaamiisheeda fursado fara badan ee la xiriira dalxiisyo gaar ah oo ay ugu talagashay iney kor ugu qaado shucuurta bukaanka iyo dadka la socdaba tassoo kor u qaadeysa caafimaadka bukaanka.